Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waa la soo dhaafay waqtigii la dhihi jiray Ajaaniibta ha u kala gar-qaato Madaxda Soomaalida”

0
596

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waa la soo dhaafay waqtigii la dhihi jiray Ajaaniibta ha u kala gar-qaato Madaxda Soomaalida”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga jawaabay baaqii Madaxda maamul goboleedyada ee ahaa in garab saddexaad dhex dhexaadin ka noqdo shirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo ka dhawaajiyay in laga soo gudbay xilligii ajaaniibta ay u kala gar-qaadi jireen Madaxda Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in wax walba oo tabasho siyaasadeed ah in laga tanaasulo, iyadoo loo daneynayo dadka Soomaaliyeed ee u baahan dowladnimada.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in la yiraahdo magaalada Muqdisho amni ma ahan laguma shiri karo.

“Waxaa soo dhoweyneynaa in wax walba oo dalka ka jira siyaasad ahaan wixii tabasho ah la isku tanaasulo, iyadoo loo daneynayo dadka Soomaaliyeed, balse waxaan soo dhoweyneyn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garanayo cida loogu daneynayo,laakiin waxaa rabaa inaan xusuusinayo cid walba oo ka suurtoodo inay sidaas tiraahdo, inay tahay astaanta qaranka, magaalo aan qolo laheyn, waa magaalo Soomaaliyeed, magaalo madaxda qaranimada Soomaaliya, “ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aanay soo dhoweyneyn in la yiraahdo garab saddexaad oo ajnabi ah hana soo dhex galo, isagoo caddeeyay inay dhamaatay waqtigii la dhihi jiray ajaaniib ha u kala gar-qaato Madaxda Soomaalida.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo dowlad goboleedyada ay dalbadeen garab saddexaad ay dhex dhexaadiso iyaga iyo dowladda Federaalka, taasoo muujineysa is aaminid la’aanta ka dhaxeysa labada dhinac, iyadoo xilligan qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka jirto xasilooni darro siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here