Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Maamul goboleedyada inay aqbalaan baaqii Madaxweynaha

0
638

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Maamul goboleedyada inay aqbalaan baaqii Madaxweynaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada inay aqbalaan shirkii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada, si wixii tabsho ee jira lagu dhameeyo miiska Wada hadalka.

Eng. Yariisow oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo sida nabadoonnimo uu doonayo in xal waara looga gaaro arrimaha tabashada jirta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka baaqiisa ahaa shirka Golaha Amniga Qaran ee uu ugu baaqay dhammaan inay ka soo qeyb galaan Madaxda Gobolada, taasoo ku tuseysa sida Madaxweynaha u yahay Nabadoon doonaya in xal waara uga gaaro dhammaan wax kasta ee tabashi jira wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu rajenayo in Madaxda Maamul goboleedyada inay u dhega nuglaadaan baaqaas, si loogu xaliyo miiska wada hadalka.

“Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay shuruud ku xireen shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo dalbaday in garab saddexaad ay dhex dhexaadin ka noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here