Labada Kuuriya oo furtay xafiis gaar ah oo 24 saac ka shaqayn doono xiriirka labada dal

0
692

Labada Kuuriya oo furtay xafiis gaar ah oo 24 saac ka shaqayn doono xiriirka labada dal

Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa furtay xafiis ka shaqayn doono xiriirka labada dal isla markaasna uu xiriirka ka dhigi doono mid joogta ah.

Waa markii ugu horreysay ay tallaabadan ku dhaqaaqaan labadan dal tan iyo dagaalkii Kuuriya.

Xafiiskan oo laga sameeyay xadka dhinaca Kuuriyada Waqooyi oo ah deegaan ay militariga dhooban yihiin waxaa ka shaqaynaya 40 shaqaale oo labada dal kasoo jeeda.

Wasiirka u qaabilsan midnimada xukuumadda Kuuriyada Koonfureed Cho Myoung-gyo wuxuu sheegay in xafiiskan uu ka shaqaynaya danaha khuseeya labada dal habeen iyo maalinba.

Furitaanka xafiiskan ayaa kusoo beegmaya kulanka la filaya inuu dhexmaro hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi.

 

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa toddobaadka dambe kulankoodi saddexaad ku yeelanaya caasimadda Pyongyang.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Seoul ayaa kusoo warramaya in hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya ay u muuqdaan kuwa isu soo dhawaanaya.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in xafiiskan uu ka shaqayn doono arrimaha ay ka wadahadli doonaan mas’uuliyiinta oo ay kamid tahay barnaamijka nukliyerka iyo xiisadda ka taagan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here