Yaa dilay Shimbirtii aadka u waynayd ee soo marta ifkan?

0
936

Yaa dilay Shimbirtii aadka u waynayd ee soo marta ifkan?

Culimada sayniska ee ku takhasusay haraaga nolaha ayaa ka shakiyay in la ciribtiray shimbirtii, shimbiraha ugu waynayd ee soo marta ifkan aan ku nool nahay kaddib markii la arkay haraaga lafaheeda.

Saynisyahanada ayaa shimbirtan magaceeda ku sheegay ‘Shimbir Maroodi’, waxay rumaysan yihiin in adduunka ay ku noolayd 10,000 sanno oo lasoo dhaafay.

Waxayna ku sheegeen sababta ay u dabar go’day shimbirtan ay tahay in ugaarsi lagu hayay isla markaasna ban’iidaanka ay cuni jireen.

Shimbirtan loo magac daray ‘Shimbir Maroodi’ waxay ku noolan jirtay dalka Madagascar oo ku yaalla Badweynta Hinddiya ee qaaradda Afrika.

Dadkii ugu horreeyay ee dega jasiiraddaasi waxay soo gaareen halkaasi muddo haatan laga joogo 2,500 ilaa 4,000 sanno.

Haraaga lafaha shimbirtaLahaanshaha sawirkaZOOLOGICAL SOCIETY LONDON
Image captionHaraaga lafaha shimbirta

Waxaa la sheegay in shimbirta ay la noolayd dadkii halkaasi ku noolaa kumannaan sanno ka hor inta aanan la dabar gooyinin.

 

” Shimbirta ayaa kumannaan sanno ku noolayd halkaasi ka hor inta aanan la dabar gooynin muddo haatan laga joogo in ka badan 9,000 sanno, waxayna tani nagu dhiiri gelinaysaa in aan ka qayb qaadanno ilaalinta duur joogta iyo dhirta maanta” ayu yiri Dr Hansford oo ka tirsan jaamacad sayniska lagu barta ee Zoological Society London.

Ukunteeda waxay u dhigantaa 150 ukunta DigaagtaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionUkunteeda waxay u dhigantaa 150 ukunta Digaagta ah

Shimbir Maroodiga ayaa caan ku ahayd jasiiradda dalka Madagascar.

Waxayna ahayd mid wayn oo dheererkeedu lagu khiyaasay 3 miitar, ukumo waawayn ayay dhali jirtay.

Shimbir MaroodiLahaanshaha sawirkaSPL
Image captionShimbir Maroodi

Qaar kamid ah baarayaasha ayaa isweddinaya su’aasha ah in Shimbirtan ay noqon karta nolohii ugu horreeyay ee ku jasiiraddaasi.

” Ma garan karo halka ay ka timid balse ma ogaan karno ilaa laga sameeyo baaritanno kale oo ku salaysan haraaga nolahan” ayuu yiri profesor Patricia Wright oo bare jaamacadeed ah isla markaasna kamid ah baarayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here