Kooxo Hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay labo wiil dhalinyaro ah

0
717

Kooxo Hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay labo wiil dhalinyaro ah

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen labo wiil dhalinyaro saaxibo ah.

Labada wiil oo lagu kala magacaabayay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir ayaa bishii June ee sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay bartamaha magaalada ku toogteen, kadibna ay baxsadeen.

Lama oga ujeedka ka dambeysa dilkooda, hase ahaatee dhacdadan ayaa waxaa uu argagax iyo cabsi ku abuuray shacabka ku nool Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here