Wasiir xarig ku muteystay ereya anshaxa ka baxsan oo uu adeegsaday

0
730

Wasiir xarig ku muteystay ereya anshaxa ka baxsan oo uu adeegsaday

Aqalka hoose ee Golaha xildhibaannada ee dalka Liberia ayaa go’aamiyey wasiir xukumadda ka tirsan oo aflagaaddooday in xabsi la dhigo.

Ninkan xabsiga in la dhigo la go’aamiyey oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Liberia Eugene Fahngon, wuxuu aflagaddeeyey xildhibaanno ka tirsan aqalka hoose.

Marka uu baarlamaanka go’aankaasi gaaray kaddib Mr Fahngon oo gacmaha ka katiinadeysan waxaa loo taxaabay xabsiga dhexe ee ku yaalla caasimadda Monrovia, isaga oo xabsigaasi ku jiri doonaa laba habeen.

Waxaana go’aanka aqalka hoose soo dedejiyey wasiir ku xigeenka markuu aflagaaddooday kaddib xildhibaannada oo u yeeray inuu arrinta sharraxaad ka bixiyo oo uu diiday inuu xildhibaannada uu hor yimaaddo.

Waxaana golaha la horkeenay cod duuban oo uu wasiir ku xigeenku laba xildhibaan oo ka mid ah golaha wakiillada shacabka ee Liberia uu ku aflagaaddeynayo xilli uu wareysi siinayey idaacad maxalli ah.

Go’aanka xarigga si uu u gaarana baarlamaanku wuxuu ka yeeshay dood saacada badan qaatay.

Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa laga sugayaa go’aanka uu ka qaadan doono inuu wasiirku uu dowladda ka sii mid ahaanayo iyo inuu sidaa shaqadiisa uu ku weynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here