Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed

0
631

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed, kaddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah uu shir uga socanayay Magaalada Addis ababa, ayaa waxay kaga arrinsanayeen dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku guuleysteen arrinta ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona ugu dambeyntiina heshis laga gaaray, waxayna Dowladda Soomaaliyeed bogaadisay heshiiska la dhexdhigay dhinacyadii isku haya Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here