Maareeyihii Hore Oo Kashifay In Qaar Ka Mid Ah Haamihii Shidaalka Berbera La Googooyay, Iska Raabna Laga Dhigtay, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Jeelka Ku Guro Ganacsatada Gacanta Ku Haysay

0
668

Maareeyihii Hore Oo Kashifay In Qaar Ka Mid Ah Haamihii Shidaalka Berbera La Googooyay, Iska Raabna Laga Dhigtay, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Jeelka Ku Guro Ganacsatada Gacanta Ku Haysay

Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Lacagta daynta ah ee ay sheeganayaan Ganacsatadii haamaha Shidaalka laga wareejiyay,waxa uu ku eedeeyay inay iyagu burburiyeen Qaar ka mid ah Haamihii shidaalka oo uu sheegay inay googooyeen, iska raab ahaanna ay u iibinayeen, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu raggaasi ka xisaabiyo hantidii qaranku lahaa ee lagu wareejiyay islamarkaana uu jeelasha ku guro,waxa kale oo uu si faah faahsan uga hadlay qaabkii ay haamaha ula wareegeen iyo lacagihii laaluushka ahaa ee ay siiyeen Xukuumaddii hore ka hor intaan lagu wareejin.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo waraahinta la hadlay isagoo sugan Berbera ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa keenay inaan Su’aashan ka jawaabo hadalka Deel qaafka ah iyo beenta ah ee Ninka Faysal layidhaahdaa uu shalay Xil Wareejintii hore uu kaga hadlay iyo wixii lagu wareejiyay Haamaha,waxa uu sheegay in dayn la wareejiyay, Lacagta uu sheegay ee labada Milyan ah, lacagta ay iyagu bixiyeen intii aanay Haamaha heshiisba la galin (Agreement), ee aanay Siilaanyo u iman, ee aan Heshiiskoodaba la saxeexin,ee aanu wasiirka Ganacsigu ogayn, lacag saddex Milyan ah ayay Maaliyadda geeyeen markii horeba iyagoo yaacaya, Marka labaad sidii ay u yaacayeen haddana waxay Dawladda ku cadaadiyeen inay Haamaha Deg deg ula wareegaan, Haamuhu may ahayn Goob fadhida oo ay kcinayeen, May ahayn goob iska taagan laakiin waxay ahayd goob shaqaynaysa oo lacagi u soo dhacayso oo dakhli leh ayay ahayd, lacag laba boqol oo Kun oo Dollar ah ayay Bil kasta qaadanayeen”.

Waxa kale oo uu yidhi“ Xiligaa lagu wareejiyay waxaa jiray Shidaalki Yemen-ta oo Milyan iyo Siyaado ayaa u xeroonaysay, Laba jihoba Faysal Been ayuu ka sheegay oo waxqabadka ay leeyihiin waxbaanu qabanay waa Milyan iyo Shan boqol oo dollar oo lacagtii ahayd Saddex Haamood oo la dhisayay,oo ay meesha kula wareegeen, markaa maxaad qabateen markaad leedihiin Dayn ayaanu la wareegnay?,Koontaraakii la dhisayay ee Milyan iyo Shanta boqol ahaana aad sheegnaysaan oo aad Malaayiin ka dhigaysaan, markaa ay lacagta dawlada leeyihiin waxbaanu dhisnay,oo aannu qabanay waa Milyan Iyo Shan boqol, waaanna lacagtay Daynta ku sheegayaan, oo aanu la galnay Shirkadaasi Kuuriyaanka ah ee imika joogta, ee dhisaysa Haamaha, Milyan iyo Shantii Boqol ee aanu Koontaraaka ku wado, ayay imika Malaahyiin ka dhigayaan oo ay Dawladda leeyihiin waanu galinay meesha, Milyan iyo Shantaasi boqol iyo Markaa aanu Koontaraaka la saxeexanay ayay Nimankani La wareegeen meesha, markaa lacagtii Koontaraagga ee soconaysaa ee la yidhi lacagtaasi Koontaraagka ah ee saddexdaasi haamood ee imika dhismay ee ay leeyihiin Haamo ayaanu wax ka qabanay oo aanu koontaraagoodii anagu bixinay, Milyan iyo Shantoodii boqol inay Gashi ku sheegaan laakiin Gashi Daymeed oo lagu lahaa haamaha gabi ahaan maba jirtaba”.

Sidoo kale waxa uu yidhi“Arinka kalena waxa weeyi Xaqii shaqaalaha, Dawladda way iskugu celiyeen oo Lacag Lix Milyan ah in laga shubo ayay ahayd, Shaqaalaha Haamuhu Dawladda Xaq ayay ku lahaayeen, Xaqii ay ku lahaayeen markii ay qaadanayeen lacag shan Boqol oo kun oo dollar ah ayay ahayd, lacagtii ay Dawladda u shubayeen ayaa la yidhi ka bixiya Xaqii shaqaalaha, tii xaqa shaqaalaha ahayd ee laga shubayay inay yidhaahdaan dayn ayay ahaydna, dee ninkani malaha warbaanu haynine ha akhriyo bal wixii ay meesha la galeen. Ninkan isaga macluumaadkiisa, nin Khamiis xidhan oo gadhleh ayuu ahaayoo,waanu yar aamusnaa oo Miskiin ayaanban anigu u haystay, Laakiin waxaa ka muuqatay Inuu wixiisuba tahay Aduunyo, Faysal Xiligii Haamaha La wareejinayay ayaa liisanka la siiyay, shirkad hore u samaysnayd oo jirtay Faysal ma aha, kaalin ayuu haystay, Ma reero ayaanu dabada galinayaa ayaa hadalkiisa kujirtay, Haamaha Xukuumad ayaa lahayd ee reerkiinu ma lahayn, Xukuumaddii lahaydna iyada ayaa qaadatay, Dakhli kaa galay majiro oo aan been ahaynin, waxaananu ka qabanay muddo sanad iyo badh ah wax lagu maalayo Labaatanka s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here