Tirada dadka lagu diley dagaalo ka dhacay gobolka Sool oo sii korortay

0
1745

Tirada dadka lagu diley dagaalo ka dhacay gobolka Sool oo sii korortay

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaano ka mid ah gobolka Sool ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintey iska horimaadyo hubeysan oo halkaa ku dhex maraya maleeshiyo beeleed ay sii korortay.

Labo ruux ayaa lagu diley labo kalana waa ay ku dhaawacmeen deegaanka Dhumay oo ka tirsan degmada laascaanood .

Dilkan ayaa la sheegay inuu daba socdo dagaal dad badani ku dhinteen oo shalay ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaankaasi Dhumay iyo Dharkeyn-geenyo oo ku yaalla koonfur galbeed ee magaalada laascaanood .

Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan in la joojiyo colaada sii kordhaysa  ee ka jirta deegaanka iyadoo beelaha halkaa ku dagaalamaya loogu baaqay inay wadahadal ku xaliyaan khilaafkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here