Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan amniyaatka Al Shabaab oo ka dhacday Degmada Jilib

0
910

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan amniyaatka Al Shabaab oo ka dhacday Degmada Jilib

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in deegaan ku dhow degmada ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Al Shabaab.

Ma jirto dowlad sheegatay masuuliyadda duqeynta ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, laakiin deegaanadaasi iyo koofurta Soomaaliya waxaa duqeymo ka fuliya diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sida Warar xog ogaal ah aan ku heleyno duqeynta ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana bartilmaameydka duqeynta uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Sarkaalka lagu duqeeyay degmada Jilib, oo aan wali magaciisa la shaacin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa amniyaadka Al Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro badan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in sarkaalka uu ku lug lahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Muqdisho, 14 October ee sanadkii hore, kaasi oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, balse waxaa la rumeysan yahay in sarkaalkaasi uu ku dhintay duqeyntii ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here