Madaxweyne Putin oo ku gacan sayray codsiga Erdogan

0
749

Madaxweyne Putin oo ku gacan sayray codsiga Erdogan

Warbixin hordhac ah oo laga soo saaray baaritaan lagu sameeyay geerida injineer Itoobiyaan ah Simegnew Bekele oo madaxda ka ahaa mashruuca biyo xireenka Abaay ee ay ku kacayso $4.7bn ayaa lagu sheegay in uu isdiley.

Meydka injineerka ayaa laga helay gaari yiil bartamaha magaalada Addis Ababa 26july ee sanadkan. Geerida injineerka oo caan ka ahaa dalka Itoobiya ayaa shacabku cabsi ka qabeen in la diley. Injineer Simegnew ayaa masuul ka ahaa mashruuca biyaxireenka Abaay tan iyo markii la billaabay 2011.

Biyo xireenkan oo laga dhisayo gobolka Benishangul-Gumuz oo xad la leh Suudaan ayaa dhalin doona 6,000 oo megawatt oo koronto ah, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya. Wuxuuna u dhigmaa awoodda koronto ee laga dhalin karo lix warshadood oo ah nooqa nukliyeerka ka dhaliya quwadda korontada.

Wuxuuna qayb ka yahay maalgalin 12 bilyan ah oo lagu ballaarinayo awoodda korontada. Biyo xireenkaas ayaa adeegsan doona biyaha wabiga Niil ee Itoobiyana looga yaqaanno Abaay.

Masar ayaa ka soo horjeedsaday dhismaha biyo xireenkaas iyada oo sheegtay in uu meel uga dhacayo heshiis la gaaray wakhtigii gumaysiga, kaas oo xaq u siinaya in ay adeegsato 90% biyaha wabiga Niil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here