CIRAAQ :Dibadbaxyo hareeyay magaalada Basra

0
611

CIRAAQ :Dibadbaxyo hareeyay magaalada Basra

Ila wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa ku waramaya in dibadbaxayaal ay magaalada Basra ee dalka Ciraaq dab qabadsiiyeen dhismooyiin ay leedahay dowladda dalkaasi iyo kuwa xisbiyo siyaasadeed.

Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay magaaladaasi ku sii badanayay dibadbaxayada ay dhigayaaan shacabka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in la weeraray xafiiska telafishinka dowladda Ciraaq.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadani toddobaadkan oo kali ah.

Waa habeenkii afaraad oo ay dibadbaxyo ka dhcayaan magaalada Basra ee dalka Ciraaq.

Dowladda Ciraaq ayaa horey Bandow ugu soo rogtay magaaladaasi, balse markii dambe waa la joojiyay bandowgaasi.

Dekadda ugu wayn dalka Ciraaq ayaan shaqaynayn ka dib markii ay xireen dibadbaxayaasha.

Wadaadka Shiicada ah ee lagu magacaabo, Moqtada al-Sadr ayaa ku baaqay in baarlamaanka dalkaasi ay yeeshaan kulan degdeg ah si dhibaatadan loo xaliyo.

Dibadbaxayaasha magaalada Basra ayaa ka cabanaya adeegyada dowladda oo liita sida biyaha iyo korantada.

Siyaasiyiinta Ciraaq aya la daalaa dhacaya sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad shaqaysa ka dib markii doorashdii dalkaasi ak dhacday uu xisbana ku soo bixi waayay aqlabiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here