Qayb kamid ah Ciidamo ka tirsan milatariga South Sudan oo xukun lagu riday

0
765

Qayb kamid ah Ciidamo ka tirsan milatariga South Sudan oo xukun lagu riday

Maxkamad military oo ku taalla dalka South Sudan ayaa xukun xabsi ah ku ridday 10 askari. Xukunkan ayaa waxaa ugu yar toddobo sano oo xarig ah, halka qaarkoodna lagu xukumay xabsi da’in.

Askartaan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dileen weriye, sidoo kalana ay kufsadeen shaqaale ka tirsan hay’ado deeq bixiyaal ah oo ka hawl galayay waddanka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dowladda ku amartay in kufsi kasta ay ka bixiso lacag magdhaw ah oo gareeysa afar kun oo doolar.

Dambiyadaan ayaa la geystay xilligii weerarka lagu qaadayay hotel lagu magacaabo Terrain oo ku yaala magaalada caasimadda ee Juba, sanadkii 2016-kii.

Warbixin ay soo saaratay Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ciidamada nabad ilaalinta ku eedeysay in ay ku guul dareysteen in ay caawiyaan dadkaasi.

Ciidamada Koonfuta Sudan iyo xoogagga mucaaradka ayaa lagu eedeeyay in ay geeysteen gabood fallo kala duwan tan iyo 2013-kii oo ahayd xilligii South Sudan uu ka biloowday dagaalka sokeeye, balse weerarkan lagu qaaday hoteelka ayaa ahaa kii ugu xumaa oo lagu qaado dadka ajaanibta ah.

Xukunkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee lagu xukumo askarta geeysata dambiyada kala duwan.

South Sudan ayaa ah waddanka dunida ugu da’da yar, kaas oo xurnimadiisa helay sanadkii 2011-kii.

Dagaalka South Sudan ayaa biloowday sanadkii 2013-kii kadib markii madaxweyne Kiir uu xilka ka xayuubiyay Mr Machar oo ahaa ku xigeenkiisa kaas oo uu ku eedeyey in uu qorsheenayay afgambi.

Haseyeehsee Mr Machar ayaa iska fogeeyay eedeyntaasi, sidoo kalana Mr Kiir ku edeeyay in uu yahay galigi taliye.

Isfahanwaaga dhex maray labada hogaamiye ayaa waxa uu hor seeday in ciidamada daacadda u ah labada nin oo ku sugnaa magaalada Juba ay isku dhacaan, kadibna dagaalka ayaa ku faafay qeeybaha kale ee waddanka.

Dagaalkan ayaa noqday kii xumaa oo ka dhaca Afrika kaas oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca malaayiin qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here