Liiska Jaamacadaha Ugu Wanaagsan Adduunka (2018).. Fursadaha Shaqo Ee Ay Helaan Ardayda Ka Qalin-jabisa oo Isha Lagu Hayay

0
1084

Liiska Jaamacadaha Ugu Wanaagsan Adduunka (2018).. Fursadaha Shaqo Ee Ay Helaan Ardayda Ka Qalin-jabisa oo Isha Lagu Hayay

Inta badan qiimeynnada kala duwan ee dunida laga sameeyo ee lagu qiyaaso tayada waxbarashada sare ee Jaamacadaha waxaa si gaar ah loo geegaa dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin heerka wax dhigista, macallimiinta, ardayda ka soo baxda sida looga shaqaaleysiiyo gudaha jaamacadda iyo guulaha ay dhanka cilmiga ka soo hooyaan.

Website-ka “QS” ee caanka ah ayaa soo bandhigay qiimeyn ku dhisan rabitaanka dadka wax shaqaaleysiiya jaamacadaha ay ugu jecelyihiin ardayda ka soo qalinjabisa ee ay horey ka shaqaaleysiiyaan, website-ka ayaa qiimeyn ku sameeyay 300 oo Jaamacadood, waxaanuu ku faafiyay liis uu u bixiyay  “QS Graduate Employability Rankings.”

Website-ka ayaa qiimeyntiisa u cuskaday 5 halbeeg oo aasaasi ah oo ku aaddan sumcadda ay jaamacaddu ku leedahay Suuqa shaqada, waxaana si gaar ah loo falanqeeyay aragti laga uruuriyay 30,000 arday oo ka baxay 300 oo jamacadood. halka halbeegga labaad laga eegayay heerka hal-abuur iyo horumarka dhanka shaqada ay gaareen 30,000 qof oo jaamacadahaa ka qalinjabisay. Halbeegga saddexaad oo ah Laba qeybood, heerka iskaashi ay jaamacaddu la leedahay dadka wax shaqaaleysiiya dhinaca cilmi-baarista iyo fursadaha shaqada. Halbeegga Afaraad oo ah tirada dadka shaqooyinka bixiya ee howlqabadyada jaamacadda ka qeybgala, si ay ardaydu u helaan macluumaad nolosha cilmiga ee suuqa shaqada, halbeegga 5aad waxaa qiyaas lagu sameynayay heerka dadka jaamacadaha ka soo baxa ee shaqo ku helay muddo 12 bilood gudahood laga soo bilaabo markii ay jaamacadda ka qalinjabiyeen.

Hadaba, waa kan liiska kalal sarreeynta Jaamcadaha Adduunka “QS” ee kolba ku aaddan sida ay shaqada u helaan dadka ka qalinjabiya jaamacadaha 2018.

Liiska 20 ka Jaamacadood ee Ugu Horreeya Adduunka 2018

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here