Facebook & WhatsApp oo Cillad “90 Daqiiqo” ah Ay Qabsatay.. Shirkadda oo Ka Hadashay

0
898

Facebook & WhatsApp oo Cillad “90 Daqiiqo” ah Ay Qabsatay.. Shirkadda oo Ka Hadashay

Shirkadda Facebook ayaa Isniintii sheegtay in dhibaato farsamo ay ka horistaagtay dadka barta adeegsada qaarkood iney shabakadda booqdaan ama ay farriin ku dirsadaan, sidaas oo kalena ay cilladdu saameysay “WhatsApp”, “Instagram” , iyadoo mushkiladdaa inteeda badan la xalliyay.

Jay Nancarrow oo ah afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa yiri: “Mushkilad ayaa qabsatay shabakadda waqti sii horreysay oo (Isniinta) ah, iyadoo xoogaa mashaakil ah ay la kulmeen dadka isticmaala adeegyada Facebook ee kala duwan ee gudbinta farriimaha”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyeen: “Cilladda si degdeg ah ayaan u baarnay, waxanan bilownay inaan adeegga dib u soo celinno, xilli dhowna waan dhammeystireynaa, Mashaakilka oo dhanna ugu yaraan wey xallismeen. Waxaan ka cudaddaraneynaa dhibaatada dhacday.”

Inta badan dadka isticmaala Facebook ayaa wxey la kulmeen mashaakil barta ku aaddan oo muddo 90-daqiiqo ah socotay, dhibkuna kuma koobneyn meel gaar ah ee waa loo sinnaa.

Breaking911

@Breaking911

DEVELOPING: Facebook & Instagram Down For Users Worldwide

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here