Madaxweyne Farmaajo Oo Mar Labaad Booqanaya Eritrea

0
827

Madaxweyne Farmaajo Oo Mar Labaad Booqanaya Eritrea

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gelinka dambe la filayaa inuu tago magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo booqasho ku tagay dhamaadkii bishii July.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa magaalada Asmara kaga qeyb galaya shir seddex geesood ah oo ay yeelanayaan isaga, madaxweynaha Eritrea Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa saaka tagay magaalada Assab ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku taalo deked muhiim u ah dowladda Eritrea, waxaana Abiy Axmed uga bilowday magaaladaasi booqasho labo cisho ah.

Yemane Meskel oo ah wasiirka warfaafinta Eritrea, ayaa bartiisa ku shaaciyay booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Asmara gelinka dambe ee maanta.

Waxaa gobolka ka socdo Isbaheysi ay sameynayaan dowladaha Bariga Africa, gaar ahaan Eritrea, Somalia iyo Ethiopia.

Dowladdaha Eritrea iyo Ethiopia ayaa waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo saameyn weyn ku leh isbadalka ka dhashay gobolka Geeska Africa, laakiin ma wanaagsaneyn xiriirka Soomaaliya iyo Xulufada Sacuudiga waxii ka dambeeyay markii dalalka Carabta ay xiriirka u jareen dowladda Qatar.

Gobolka Waxaa kale oo ka jira loolan adag uu u dhaxeeya dowlada Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo hadda kusoo biirey loolanka saameynta loogu yeelanayo gobolka Geeska Africa.

Booqashadii madaxweyne Farmaajo uu bishii July ku tagay magaalada Asmara ayaa ka careysiiyay dowladda Jabuuti, waxaana xalinta caradaasi magaalada Jabuuti u tagay madaxweyne Farmaajo.

Jabuuti murun xuduudeed ayaa kala dhaxeeya Eritrea, waxaana dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ay doonayaan in la xaliyo Khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here