Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay meel ku dhow Safaarada Maraykanka ee Qaahira

0
841

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay meel ku dhow Safaarada Maraykanka ee Qaahira

Booliska Masar ayaa xabsiga u taxaabay nin la sheegay inuu isku dayay inuu qarax ka fuliyo agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ninka la qabtay uu sitey boorso taasoo ku qaraxday meel banaanka ka ah safaarada Maraykanka oo ku taal halka loo yaqaan Garden City.

Safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan halkaasi inay ka foggaadaan goobta iyadoo la xirey safaarada.

Qof goob jooge ayaa ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters ayuu sheegay inuu maqlay dhawaaqa qarax islamarkaasna uu arkay nin watay boorso.

Reuters ayaa intaasi ku dartay in ninka ay qabteen laamaaha ammaanka islamarkaasna dabka ka dhashay waxyaabaha qarxa ay damiyeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in aysan sidaa uga fogeyn safaarada Britain ee dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here