Seddex xiddig oo isugu soo haray tartanka abaalmarinta FIFA

0
849

Seddex xiddig oo isugu soo haray tartanka abaalmarinta FIFA

Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA ayaa ku dhawaaqday magacda ciyaartooyda isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu fiican caalamka (FIFA The Best) isreereeb dheer kaddib.

Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah Iyo Luka Modric ayaana la soo doortay kuwaas oo helay codadka ugu badan oo ay bixiyeen Ciyaartoyda, Tababarayaasha, Wariyayaasha iyo sidoo kale taageerayaasha kubadda cagta ee fursadda la siiyey.

Waa abaalmarintii labaad oo ay saddexdaan mushaarax isugu soo haraan iyaga oo ku tartamay abaalmarinta UEFA Best Player, mar kale ayey masraxa tartanta abaalmarinta ka soo wada muuqan doonaan.

Cristiano Ronaldo wuxuu ku taramayaa inuu ku guuleystay koobka horyaalada yurub ee UEFA Champions League iyo sidoo kale gool dhalintiisa, halka Luka Modric uu ku tartami doono si la mid ah Ronaldo tartanka yurub iyo inuu gaaray final-ka koobka Adduunka.

Mohamed Salah wuxuu yimid final-ka tartanka Champions League, wuxuuna hantay gool dhalinta horyaalka Premier League isagoo sidoo kale jabiyay dhawr rikoor oo Liverpool ah, mana dhaafin meel ka dheer wareegga group-yada koobka Adduunka.

24-ka bishan September ayaa abaalmarinta lagu bixin doonaa magaalada London.FA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here