Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo iyo Shirka maamul goboleedyada

0
922

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo iyo Shirka maamul goboleedyada

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka madaxda maamul goboleedyada dalka oo maalintii shalay la filayay inuu furmo balse markii dambe la shaaciyay inuu baaqday.

Shirkaan oo intiisa badan madaxda maamul goboleedyada kaga hadlayaan khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, ayaa la sheegay in lagu daro doono ajandayaal ay ku jiraan qeybsiga Kheyraadka iyo arimaha amaanka.

Kulamo kala duwan ayaa ilaa xalay ka socday magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ay yeelanayeen madaxda ku sugan magaalada Kismaay, iyadoo shalay madaxda ay la kulmeen wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Micheal Keating.

Waxyaabaha looga hadli doono shirkan waxaa qeyb ka ah qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Fulin la’aanta heshiisyada ay galaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa sabab u ah inuu yimaado khilaafka soo laalaabtay ee dowladda iyo maamulada dalka.

Sidoo kale dhowrid la’aanta dastuurka dalka oo laga hormariyo xal ka gaarista dhibaatada taagan iyadoo aan la eegin dastuurka ayaa keenta soo laalaabashada khilaafka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Lama oga waxyaabaha shirkaan kaso bixi doono, waana shirkii seddexaad oo madaxda maamulada dalka ay yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here