5 Talo oo Ku Aaddan Habka Ugu Wanaagsan ee Caruurta Loogala Dagaallamo Buurnida

0
869
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-03-18 13:19:09Z | |

5 Talo oo Ku Aaddan Habka Ugu Wanaagsan ee Caruurta Loogala Dagaallamo Buurnida

Xilligan aan ku jirno caruur badan oo dunida ku nool ayaa la dhibaatoonaya buurni xooggan oo ay ka qaadaan nidaamka cunno ee guriga oo aan ahayn mid caafimaad, sprots la’aan iyo arrimo kale oo caafimaadka la xiriira.

Hadaba, marka aad aragto in ilmahaaga yar uu dhanka buurnida u sii batay, waxaa laga maarmaan ah inaad kala dagaallanto si aaney dhibaato ugu keenin naftiisa iyo noloshiisa oo cadaadis badan uu dhanka bulshada uga imaan karo, waxaanad raaci kartaa talooyinkan hoose si aad hesho wadada saxda ah ee aad buurnida kula dagaalami karto:

Rabitaankiisa oo la xakameeyo
Ka fogee ilmahaaga yar badeecooyinka khatarta ah, sida; cabitaannada gaas-ka leh, macmacaanka, keegga warshadeysan, cunnooyinka ay milixda iyo duxdu ku badan tahay.

Raashinkiisa u qeybi 4 waqti
In quraac khafiif ah la siiyo oo ka kooban rooti iyo is-maris, caano iyo casho miisaaman oo ay u dhaxeyso laba xilli oo uu cunno fudud uu qaadanayo, idogoo ilmaha yar u sharraxaya sababta, una sheegaya in buurni lagala dagaallamayo.

Yaanuu la qabsan caadooyinka aan wanaagsaneyn
Caadooyinkaa aan wanaagsaneyn waxaa ka mid ah in telefishinka cunno lala hor fariisto, haddii uu la qabsado mar kasta oo uu daawanayo barnaamijkiisa uu jecelyahay waxa uu u baahan doonaa cunno.

Sports oo uu ciyaaro
Ilmahaaga yar ku dhiirrigeli inuu sports-ka ciyaaro oo dhaqaaq jireed uu sameeyo, sida; inuu baaskiilad koro, socod dheeraad ah uu sameeyo, haddii uu taladaada qaato abaalmarin uu jecel yahay sii, si uu dhaqankaa wanaagsan ugu sii dhiirrado.

Dib u qaabeyn ku same noloshiisa
Shukulaatada, jallaatada, iyo macmaanka guriga yaalla inta aad ka xareyso ayaad isbuucii mar usoo saar oo dib u qaabeyn ku samee noloshii guriga ee meelwalba uu cunnada ka heli jiray.

Ogeysii oo u sheeg in 1% dadka buuran ay dhibaato cafaamaad ay haysato, halka 99% dadka kale ay yihiin kuwo buurnida ka qaada cunnooyin ay si khaldan u qaateen iyo firfircooni lahaan haysata.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here