RASMI :  filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo

0
1277

RASMI :  filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo

Kusoo dhawaada maqaalkeena todobaad laha ah ee aan kaga hadalno warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo:

Sooraj Pancholi ayaa filimkiisa Satellite Shankar si rasmi ah duubis ugu bilaabay waxaana filimkan maal galinayaan Bhushan Kumar, Krishan Kumar, Murad Khetani and Ashwin Varde halka Irfan Kamal uu Director ka waxaana lagu duubi doonaa 10-gobol oo Hindiya ka yaalaan.

Superstar Govinda iyo shactiroole Varun Sharma Fry Day waqti cusub ayaa si rasmi ah loogu dooray lana daawan doono waana 12 Oct 2018 waxaana mashruucaan shactirada badan Director ka ah Abhishek Dogra.

Ruug cadaa Mahesh Bhatt iyo shirkadiisa Vishesh Films ayaa si rasmi ah usoo bandhigeen aragtida kowaad filimkooda Jalebi waxaana wada jilayaan Rhea Chakraborty iyo wiilka fanka ku cusub Varun Mitra waxaana Director ka ah Pushpdeep Bhardwaj qorshahana wuxuu yahay in la daawado 12 Oct 2018.

Arjun Kapoor iyo doorkiisa Prabhat ayaa si rasmi ah looga soo bandhigay aragti kowaad waana muuqaalka uu filimka la wada sugaayo Indias Most Wanted ku matalaayo waxaana filimkan Director ka Rajkumar Gupta halka Fox Star Studios iyo Rajkumar Gupta waxaana la daawan doonaa 24 May 2019.

Superstar Kichcha Sudeepa aragtidiisa kowaad filimka Sye Raa Narasimha Reddy ee Mega Star Chiranjeevi hogaamiye ka yahay waxaana mashruucaan Director ka ah Surender Reddy halka Ram Charan uu soo saare ka yahay.

Jimcadan (7 Sep 2018) waxaa tiyaatarada Hindiya qabsan doono filimka Hollywood-ka ah gaar ahaan taxanaha The Conjuring qaybtiiiisa cusub The Nun oo cabsi badan waxaana la bilaabay xili hore in tikityadiisa aad looga sii iibsado tiyaatarada Multiplex ee magaalooyinka waa weyn ku yaalaan.

Shaqada filimka weyn Panipat ayaa socoto waxaana la dhisay goob aad u weyn oo filimkan taariikhiga ah lagu duubayo waxaana hogaamiyaal ka ah Arjun Kapoor, Kriti Sanon iyo Sanjay Dutt halka Ashutosh Gowariker uu Director ka yahay waxaana la daawan doonaa filimkan 9 Dec 2019.

Mass Maharaja Ravi Teja, Ileana D’Cruz iyo Sunil filimkooda Amar Akbar Anthony ayaa aragti kowaad laga soo bandhigay waxaana filimkan Action-ka iyo shactirada ah la daawan doonaa 5 Oct 2018.

Mega Star Salman Khan iyo dhamaan kooxda filimka Bharat ayaa Abu Dhabi u safreen ayagoo halkaas jadwalka sedexaad filimkan ka bilaabi doonaan wuxuuna qaadan doonaa mudo labo todobaad shaqo ah qorshahana wuxuu yahay in la daawado Eid 2019.

Kangana Ranaut filimkeeda Manikarnika iyada ayaa Director ka noqotay sidoo kalena jadwal 45-maalmood cusub duubis ayaa la bilaabayaa ayadoo muuqaalada qaar lagu noqon doono waxaana ku baxeyso jadwalkan cusub 20 Crore taasi oo ka dhigeyso filimkan in 100 Crore miisaaniyadiisa gaarto waana filimka ugu horeeyo ee atirisho hogaamiye ka tahay oo miisaan 100 Crore ku baxdo waxaana la qorsheenaa filimkan in la daawado 25 Jan 2019.

Amitabh Bachchan ayaa ninka aduunka ugu taajirsan ku matalaayo filimka Rashan Card sidoo kalena kalena xidiga reer Tamil SJ Suriyah ayaa filimkan ku matalaayo ninka aduunka ugu faqiirsan waana labo door oo cagsi isku ah waxaa filimkan Director ka ah Tha Tamilvaanan duubistiisana waxay bilaaban doontaa Maarso 2019, weliba mashruucaan asigoo Hindi iyo Tamil ah ayaa la sameenayaa.

Filimka Go Goa Gone qaybtiisa labaad Go Goa Gone 2 waxaa si rasmi ah duubis loogu bilaabi doonaa horaanta sanadka dambe waxaana wada jilayaan atoorayaashii lagu yaqiinay filimkan Saif Ali Khan, Kunal Kemmu iyo Vir Das ayadoo sidoo kalena labo jilaa kale dheeraad ah lagu soo dari doono.

Shahid Kapoor ayaa sameenayaa filim looga hadlaayo feeryahankii hore ee Hindiya biladaha dahabka u qaaday asigoo cayaartooy aadna loo jecel yahay Dingko Singh waxaana filimkan Director ka ah Raja Krishna Menon shaqadiisana waxay bilaaban doontaa April 2019.

Filimka Tamil-ka ah ee hirgalay Thani Oruvan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in qayb labaad laga sameenayo ayadoo sedex sano kasoo wareegatay sameynta qaybtii kowaad waxaana loo bixiyay qaybta labaad Thani Oruvan 2 sidoo kalena Jayam Ravi oo qaybtii hore hogaamiye ka ahaa ayaa qaybta labaadna hogaamiye ka noqon doono.

Saif Ali Khan ayaa muuqaal la yaab leh laga qabtay waana sawirada hoose xili si qarsoodi ah uu ku duubayay filimka lagu magacaabo Hunter waxaana Director ka ah Navdeep Singh waxaana haatan filimkan lagu duubayaa Mumbai gaar ahaan Filimstan Studio.

Sunny Deol ayaa iska diiday sameynta filimka Kavach ee Director Anil Sharma iska leeyahay wuxuuna Sunny saaxiibkiis Anil Sharma ka dalbaday filimka Apne 2 inuu diirada saaro oo ay Dharmendra iyo Bobby Deol wax ka jilayaan.

Dhamaad,

Waad ku mahad santahay aqriskaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here