Qarax Ka Dhashay Warshad Gubatay Oo Ay Ku Dhinteen 8 Qof

0
868

Qarax Ka Dhashay Warshad Gubatay Oo Ay Ku Dhinteen 8 Qof

Shaqaalaha dabdamiska ayaa ku gudajira baadigoobka dad lagu tuhunsan yahay iney gudaha warashadda gubatay ku jireen xilliga uu qaraxa ka dhacayey, warshadda gubatay oo ku taalla duleedka magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.

Afhayeen u hadlay shaqaalaha dabdamiska ayaa wuxuu sheegay inuu warshaddu dabka qabsaday galabnimda maanta.
Dabka warshaddasi qabsaday oo ay qaraxyo waaweyn ka dhasheen lama garan waxa dabkaasi uu ka dhashay.
Warshadda gubatay ee Rheinmetall-Denel waxaa mulki ahaan u lahaa shirkado Koonfur Afrika iyo Jarmalka laga kala leeyahay.
Warshadda oo ah mid soo saarto hubka, bambooyinka iyo waxyaaba kale ee qarxa waxsoosaarkeeda ugu badan waxaa isticmaala Ciidamada iyo Booliska dalkaasi Koonfur Afrika qaarna dibadha ay u dhoofin jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here