Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaalada Kismaayo

0
586

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaalada Kismaayo

Amaanka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa aad loo adkeeyay, ciidamo badan ayaana la geeyay xarunta uu ka dhacayo shirka madaxda maamul goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu maanta ka furmayo shirka madaxda maamul goboleedyada oo ku mideysan magaca golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Waxaa xalay ka dhacay magaalada, Kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa shirka maanta ka furmayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxyaabaha ugu badan ee shirkaan looga hadlayo waxaa ugu horeeya khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland iyo culeesyada siyaasadeed ee heysta qaar kamid ah madaxda maamulada dalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka sido kale la filayo in madaxweyne Gaas uu ku shaaciyo inuu heysto culees siyaasadeed, maadaama doorashada maamulkiisa kusoo wajahan tahay.

Sidoo kale Shariif Xasan, waxaa heysta culees kaga imaanaya doorashada bisha soo socoto la qorsheynayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaa ku furan buuq siyaasadeed, maadaama mooshin ay ka diyaariyeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa, kuwaasi oo dhaliilsan hogaankiisa.

Dhamaan culeesyada heysta madaxda maamul goboleedyada ayaa sabab u ah kulanka maanta ka dhacayo magaalada Kismaayo, kaasi oo noqonayo kulankii labaad oo madaxdan ku yeeshaan magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here