Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Gobolka J/Hoose

0
684

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Gobolka J/Hoose

Ciidamada dowladda Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa duqeyn ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo Al Shabaaba ay saldhigyo ku lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo ku sugan degmada Afmadow, ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen deegaanada Weel-Maaro iyo Suubow oo ka tirsan degmada Afmadow.

Wuxuu sheegay sarkaalka u hadlay ciidamada Kenya inay heleen warbixino sirdoon oo ku saabsan in Al Shabaab ay qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan degmada Afmadow, balse iyaga ay ka hortageen.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa fuliyay, kadibna waxaa xigay weerar ciidamda Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ku qaadeen saldhigyo kale oo Jubbada Hoose ku yaala.

Mahad Maxamed Islaam, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid Wadajir ah, uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle Mahad Maxamed, ayaa sheegay in weerarka oo dhulka iyo cirka uu ahaa, ujeedana ay aheyd in lagu burburiyo gobaha Al Shabaab ay kasoo weerari jireen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here