Shaqaalaha Imaaraadka ee berbera Oo Lagu Qabtay Ugaadhsi

0
837

Shaqaalaha Imaaraadka ee berbera Oo Lagu Qabtay Ugaadhsi

Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa xabsiga ku gurtay shaqaale ajaanib ah oo ka kala Hawgeli jiray Saldhiga ciidan ee imaaraadku uu ka yeg-leelayo Magaalada Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha ee isla Magaalada Berbera, kaasi oo ay maamulaan ciidanka cirka ee imaaraadka Carabta oo ay hadda howlo casriyayna ka wadaan .
Xukumadda ayaa shaqaalaha ajaanibta ah ku haysa Xabsi ku yaal gudaha Dekadda Magaalada Berbera, waxaanay sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay ka dib markii ay ku xad-gudbeen shuruucda dalka, kuwaas oo ku kacay ugaadhsi sharci darro ah “Hawgal ayaanu ku tagnay annaga iyo wasaaraddu oo ciidan wadana waanu soo qabanay waanu soo xaraynay, waxaanu ku soo xidhnay saldhiga Dekada ee magaalada Berbera oo markaa laga maamulo Madaarka Berbera Shan qof oo ajaanib oo Baakistaamiin ah iyo hal qof oo Somaali ah ayey ka koobnaayeen, Waxay samanayeen ugaadhsi sharci darro ah, badh kamid ahi waxay ka shaqaynayaan , Ran weyga cusub ee laga dhiso madaarka Berbera, Saldhiga Milateri ee uu Imaaraadku ka dhisanayo Berbera “ ayuu idhi isuduha wasaarada Deegaan ee Saaxil oo warbaahinta Goobjoog u warramay
Waxaanu sheegay inay ugaadhsanayeen xawayaanka Deerada “ Waxay ugaadhsanayaan ugaadha kala duwan ee Dalku leeyahay sida deerada , markaa tan iminka aanu ku qabanay waa Deerro laba midh ayey Dileen oo maydkoodii” Raqdoodii” aanu soo qaadnay sharciga aanu horgayna oo saldhiga aanu geynay iyo Maxakammada-ba, waxaanu iminka ku qabanay waxay ahayd laba midh oo Deerro ah .

Waxa kale oo uu sheegay isuduwaha wasaaradda deegaanka Saaxil inay horgeeyeen sharciga ragas, balse ay xukunadii lagu riday ay qawadeen, isla markaana ay ka qaateen rafcaan“ Waxay hadda muddo 10 cisho ah ayey ku xidhnayaan saldhiga Dekadda Berbera, waxaanu mar walba ku shaqanayna sharciga waxaanu horgeynay Maxakammadda.Maxakammaddii 6-dii qof saddex kamid ah waxay tidhi debi ayaanu ku helnay 3 qof oo kamid ah waxay tidhi xorriyadoodii ayaanu u celinay, markaa mid Soomaali ah iyo laba Baakistaan ah waxay tidhi waxaan u celinay Xorriyadoodii, saddex nin oo baakistaanana xukun ayaa ku dhacay ah madaama oo aanay caadaystayaal ahayn oo ay tahay markii ugu horaysay ee ay tahay lagu qabtay Ugaadhsi wuxuu yidhi calaa qof waxay maxakamaddu ku xukuntahay $4000 afar kun oo dollar oo ganaax ah ama afartan Milyan oo shilinka Somliland ah, xukunka noocaas ahi marka uu nasoo gaadhay Maxakamadda waxaanu ka dalbanay anbiil in aanu ka qaadano ama racfaan, markaa racfaankii ayaanu qaadanay Maxakamadda waa loo balansanyahay, markaa si ay Dacwadii halkaa uga sii socoto.” Isuduwaha Wasaraada Deegaanka Ee Saaxil Anwar Xasan

Geesta kalena Anwar Xasan Isuduha wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa sheegay in raggan ku qabteen laba gaadhi oo ay u adeegsanayeen ugaadhsiga sharci darrada ah ee ay ku kaceen “Waxa sidoo kale iyaguna jira laba baabuur oo ugaadha loo adeegsanayey in lagu qaqabto oo lagu laayo oo laba xaajiyadood ahaa , waxaanu rajaynaa in labaa Babuurna lala wareego oo uu qaranku la wareego .”Ayuu Anwar Xasan

Ugu Dambeyna Anwar Xasan ayaa sheegay inya hadda xidhan-yihiin lixidi eedaysana“ ilaa hadda lixidii qof-ba wey xidhan yihiin, madaama oo aanu rafcaan ka qaadanay, macaa kuwiii maxakamaddu celisay saldhigii ayaa dib loogu celiyey, waa la isku xidhay, waana la iskugu imanayaa ilaa inta maxakamaddu bartii ka sii soconayso ee go’aan dambe dhacayo , waxaanu rajanynaaa inuu sharcigu sareeyo .”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here