Siilaanyo Wuxuu Igu Yidhi ‘Diir Maroodi yeelo’,”Amb Baashe Cawil

0
634

Siilaanyo Wuxuu Igu Yidhi ‘Diir Maroodi yeelo’,”Amb Baashe Cawil

Safiirkii Hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa shalay xilkii ku wareejiyey Safiirka Cusub ee imaaraadka Carabta uu u magacaabay Madaxweyne Biixi.

Amb Baashe Cawil oo la soo shaqeeyay Madaxweyne Siilaanyo oo Sodog u ahaa waxa uu sheegay in xilkiisa ay shacabka reer Somaliland ka qayliyeen, waxaanu xusay inay u bixiyeen naanayso kala duwan, kuwaas oo aanay jeclaysan, isagoo safiirka cusub ee xilkii safiirnimada Imaaraadka uu ku wareejiyey u sheegay inay sugayaan naanayso, hase-yeeshee loo baahan yahay inuu u dul qaato.

Baashe Cawil oo u duur-xulaya Safiirka Cusub ee uu xilka ku wareejinayo, ayaa u sheegay inay naanayso badani Sugayaan, balse loo baahan-yahay inuu u Dul-qaato.“ Markii la ii magacaabay xilka Safaarada ee ay qayladu yeedhay, aniga waa la iska kay maagi jiray kolkiii hore Magac-yo badana waa la ii bixiyey, laakiin markii xilka la iidhiibay ayaa qayladu isku wadhay, annoo yara yaaban oo maalin indhaha tag-taagaya ayuu igu yidhi ‘waaryaahe waar Siyaasada ka bixi mayside Diir maroodi yeeloo waxaas dheg ha u dhigin iyo qayladaa, maanta Xasan waxaan leeyahay Diir Maroodi yeelo Magacyo iyo naanayso fara badanina wey kuu soo socdaane “ Ayuu yidhi Baashe Cawil.

Hadalka Amb Baashe Cawil ayaa daaran maaddaama bulshadu u arkay in Siilaanyo ehelnimo xilka ugu dhiibay in safiirka cusub ee Imaaraadka oo ay ehel yihiin marwada madaxweyne Biixi bulshadu u arki doonto mid xasabanimo xilka loogu dhiibay lana maagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here