Nin Bilyan-dheer been abuur ah oo dadka badan ku wareeriyay barta twitter-ka

0
679

Nin Bilyan-dheer been abuur ah oo dadka badan ku wareeriyay barta twitter-ka

Warren Buffett ma ahan qofka soo dhigaya qoraalada dhiirogalinta ah, ee waa mid been abuur ah, waxaana laga yaabaa in aad talooyin dhiirigalin ah aragtay todobaadkan.

Cinwaan qof iska dhigaya maalqabeenka u dhashay dalka Mareykanka ee 87 jirka ah ayaa qabsaday baraha bulshada Sabtidii markaasi oo 300,000 oo qof ay jecleysteen oo ay saareen caalamada (Like).

Tan iyo xilligaasi qoraalkani tweetarka la soo dhigay waxa uu soo jiitay ku dhawaad 2 milyan oo qof maadaama qoraalka uu ahaa mid dhiirgalin ah oo aan waxyeelo lahayn.

Warren Buffett, saxda ah waa madaxa shirkadda conglomerate Berkshire Hathaway, isgu barta tweetarka ku leh cinwaan balse wax qoraal ah ma uusan soo dhigin tan iyo 2016.

Cinwaanka saxda ah ee maalqabankani ayaa ah @WarrenBuffet99.

Su’aasha taagan waxa ay tahay sababta ay shirkadda Tweetarka u xaqiijin waysay cinwaanka Warren Buffett oo ah nin maalqabeen ah.

Qoraalkii ugu horeeyay ee cinwaankan been abuurka ah la soo galiyay ayaa la oso dhigay 25 August waxaana lagu soo qorayay oo kali ah qoraalo dhiirigalin ah, marka ma arrintan oo kali ah ayuu barihiisa bulshada diiradda ku saari lahaa mid ka mid ah dadka aduunka ugu maalqabeedsan?

Magaca maalqabeenkan ayaa xitaa si naaxil ah loo qoray oo magaciisa waa Warren Buffett, ee ma aha Warren Buffet sida cinwaanka been abuurka ah ku qoran.

Dhammaan calaamadahani iyo digniinadani muujinayay in cinwaankan uu yahay mid been abuur ah ayaana ka hor istaagin saxfiyiinta iyo siyaasiyiinta in ay sii baahiyaan oo ay asxaabtooda la wadaagaan qoraalada la soo galiyay cinwaankan been abuurka ah.

Qoraalada la soo dhigayay cinwaankani ayaa waxaa ka mid ahaa “in dadka aad ku dhahdo hadal wanaagsan ma aha mid dhici karta haddii aadan xariif ahayn.

Waxaa sidoo kale qoraalada dhiirigalinta ka mid ahaa “maalin walba ,imasa saacadood ayaad faraxsan tahay oo aad ka madaxbanaantahay walaac? Bal qiyaas arrintaasi.

“Waxyaabaha aan da’da ka bartay, waxaa ka mid ah farxad ma jirto mahadnaq la’aantiis; nabad ma jireyso haddii aan la is cafinin, ma jiro dabeecad wanaagsan haddii aan akhlaaq la helin,” waxaa sidaasi lagu qoray cinwaankaasi uu qofka iska dhigayo in uu yahay maalqabeenla Warren Buffett.

Guulaha ay gaaraan cinwaanada been abuurka ah ma waxa loo aanayn karaa in ay dadku jecelyihiin waxyaabaha dhiirigalinaya xiliyada madow? mise waxa ay dadku doonayaan in ay raacaan raadka dadka guulaha ka gaaray dhanka maalgashiga?

BBC ayaa xiriir la sameysay @WarrenBuffet99 si aanu wax badan uga ogaano cinwaankan been abuurka ah, balse ilaa iyo imika lagama soo jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here