Tirada Iyo Magacyadda Dad Soomaali Ah Oo Shalay Ay Ciidammo Iyo Shacab Oromo Ahi Ku Xasuuqeen Duleedka Magaalada Jigjiga

0
745

Tirada Iyo Magacyadda Dad Soomaali Ah Oo Shalay Ay Ciidammo Iyo Shacab Oromo Ahi Ku Xasuuqeen Duleedka Magaalada Jigjiga

Dablay hubaysan oo lagu sheegay inay ka soo jeedaan Qoomiyadda Oromada, ayaa Shalay illaa 7 Qof oo Soomaali ah ku dilay duleedka Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Warka OromadaWarar kala duwan oo ka soo baxaya Dilka Dadka Soomaalida ah ayaa sheegaya in Dablayda Hubaysan ay weerar ku qaadeen deegaan lagu Magacaabo Jincasley, kaasi oo ku dhow Magaalada Jigjiga, halkaana ay ku dileen illaa 7 Qof oo Soomaali Beeraley ah.

Ugaas Muxumed Cismaan oo jooga Tuulada Tulli-cismaan oo ka mid ah Kililka Soomaalida Itoobiya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa faahfaahiyey siday wax u dhaceen, waxaanu yidhi “Baabuurta waaweyn ee Ciidammada iyo Baroono ayaa Shalay Aroortii lagu soo kiciyey Dadkii oo iska deggan, dabadeedna Ebar baa lagaga dhigay, dabadeedna waxay ku bilaabeen meesha la yidhaahdo dhuxulaleey, Baarimo iyo meel kale ayay dagaal hor leh ku qaadeen, meel walbana dab ayay geliyeen.”

Ugaasku waxa kale oo uu sheegay “Dhammaan Dadka la soo weerarray waa wada Soomaali, Dadka weerarka soo qaadayna waa Dad marka hore lagu dhex noolaa oo la yidhaahdo Jaarso, kuwaasi oo markii dambe Oromo noqday markay doorashada la galeen, markaa imika waxa Fidmada wadaa waa kuwaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ciidammaduna waa ka qayb, waayo? toos ayay noogu yidhaahdeen shaadhkayaga ayuun baa Federaalka ah ee Oromo ayaanu nahay.”

Ugaasku wuxuu sheegay in Dawladda deegaanka Soomaalidu aanay waxba ka qabanin dhibaatada uu sheegay in Soomaalida ku hayaan Dadka ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada iyo Jaarsada oo hoos tagta Gobolka Oromada, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo is kaashanaya isla-markaana Gacan ka helaya Ciidammada federaalka ay xasuuq u geysteen Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Soomaalida ee ku dhaqan deegaano ku teedsan xuduudka Kililka Oromada Itoobiya, hase-yeeshee wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalidu ka Tacsiyadeeyay Geerida 7-da Qof, isla-markaana ku war-geliyey in la qabtay kornayl ka mid ah Ciidammada lagu eedeeyay inay ka qayb-galeen dhibaatada loo geystay Soomaalida.

Dadka Shalay lagu dilay weerarka lagu qaaday deegaannada Soomaalida ayaa waxa Magacyadooda lagu kala sheegay sidan:- Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, Cabdikhadar Maxamed Xaaji, Axmed Aw Maxamuud Nuur, Cabdillaahi Yuusuf, Cabdi Nuur Muuse

Ismaaciil Maxamed Cali iyo Xasan Cabdi Ducaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here