Waddooyinka soo gala madaxtooyadda oo la xiray iyo Ciidamadii Xasilinta oo lagu arkayo waddooyiinka

0
724

Waddooyinka soo gala madaxtooyadda oo la xiray iyo Ciidamadii Xasilinta oo lagu arkayo waddooyiinka

Ciidamada amaanka ayaa xiray waddooyin ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diiday inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa xiray waddada ka timaada Isgoyska Jubba ilaa madaxtooyadda iyo waddooyin kale oo madaxtooyadda soo gala, lamana oga sababaha ka dambeeya xeritaanka waddooyinka soo gala madaxtooyadda Soomaaliya.

Goobaha loo diidayo gaadiidka dadweynaha waxaa kamid ah Isgoyska Jubba, Daljirka, wadada 21-ka October, Ceelgaabta, Wadada Sayidka  iyo kuwa ka dambeeya madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinkaasi loo xiray sababo amaan, iyadoo ilaa shalay gelinkii dambe uu jiray tuhun dhanka amaanka ah, sida qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Dhinaca kale waddooyinka qaar ee xiran ayaa lagu arkayaa ciidamo wata dareeska lagu yaqaanay ciidamada xasilinta oo horey looga xareeyay magaalada Muqdisho.

Ma jirin askari Boolis ah oo taagnaa dhamaan waddooyinka xiran, maadaama horey loo sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here