South Sudan oo dib u bilowday soo saarista shiidaalka ceyriinka

0
617

South Sudan oo dib u bilowday soo saarista shiidaalka ceyriinka

Dowladda Sudanta Koofureed ayaa dib u bilowday soo saarista shiidaalka ceyriinka ee laga soo saari jiray deegaanka Toma ee gobolka Unity.

Collaadihii mudada shanta sano ka tagnaa gobolkaasi ayaa hakiyay shiidaalkii laga soo saari jiray dalkaasi.

Dalka South Sudan oo aan wax bad ah laheyn ayaa shiidaalka laga soo saaro waxaa loo iib geeya caalamka, iyadoo na lasii marsiiyo dekedaha dalka ay deriska yihiin ee Sudan.

Wasiirka Betroolka ee dalka Sudan waxaa uu sheegay in sidoo kale dib loo furay afar deegaan oo kale, kuwaasi oo dhamaadka sannadkan bilaabi doona inay soo saraan shiidaal kale.

Dalka South Sudan oo inta badan ku tiirsan wax soo saarka shiidaalka ayaa ku haminaya in maalintii uu soo saaro saddex boqol oo kun oo fuusto.

 

Dhaqaalaha dalkaasi ayaa hoos u dhacay, kadib markii dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo fallaagada uu hogaamiyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar ay ka bilowdeen dalkaasi.

Hasayeshee labad dhinac ayaa dhawaan dalka Sudan ku kala saxiixday heshiis awood qeybsi ah oo lagu soo afmeerayo collaada dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here