Hoggaamiyihii Daacish ee dalka Afgaanistaan oo weerar cirka ah lagu dilay

0
723

Hoggaamiyihii Daacish ee dalka Afgaanistaan oo weerar cirka ah lagu dilay

Hoggaamiyihii ururka  Daacish ee dalka Afgaanistaan Abuu Sacad Irhaabi ayaa weerar cirka ah lagu dilay  sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dalka Afghanistan.

Abuu Sacad Irhaabi iyo 10 xubnood oo kale ayaa la sheegay in ay dhinteen ka dib howlgallo laga sameeyay Nangarhar ee u dhaw xadka Pakistan iyo afgaanistan ay wadaagaan.

Duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaaday tuulo ku taal degmada Khugyani  ee ku dhow xadka dalka Pakistan ayaa sidoo kale lagu burburiyay keyd hub ah sida ay shaaciyeen laamaha amaanka dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay guddoomiyaha gobolkaas Attaullah Khogyani ayaa xaqiijiyay dhimashada Irhabi.

Sidoo kale ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa  sheegay inay sameeyeen duqeyn dhinaca cirka ah gaar ahaan tuulo ku dhow xadka wadamada Afghanistan iyo Pakistan.

Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii afaraad ee kasoo jeeda afgaanistaan ee sanadkan la dilo. Irhabi ayaa  bedelay Abu Sayed oo bishii July lagu diley duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen dalka Afghanistan.

IS ayaa afgaanistan dhaq dhaqaaq ku leh tan iyo sanadkii 2014-kii, waxa aayna sheegteen weeraro aay dad badan ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here