Qaxootiga Yamaniyiinta Ee Ku Sugan Garoowe Oo Banaanbax Dhigay

0
907

Qaxootiga Yamaniyiinta Ee Ku Sugan Garoowe Oo Banaanbax Dhigay

Saacadihii la soo dhaafay waxaa banaanbax Cabasho ka dhigay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal qaxootiga Yamaniyiinta ee ku sugan Magaaladaas.

Qaxootiga Yamaniyiinta ayaa waxa ay banaanbaxa kahor dhigeen Xafiiska Hay’adaha UN-ka u leeyihiin Magalada Garoowe,iyaga oo ka dalbaday in xaquuqdii qaxootinimo ah ku lahaayeen in la siiyo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin afka Soomaaliga,iyaga oo sheegay in isbedel lagu sameeyo hoggaanka dadka Qaramada Midoobay u Wakiiladay deeqaha loogu talo galay.

”Waxaan ka codsaneynaa Qaramada Midoobay in xuquuqdeena qaxootinimo aan ku laheyn qaramada midoobay in nala siiyo isla markaana lagana badalo cida namatasha hadii aan nahay yamaniiyiinta.

Magalada Garoowe iyo Magalooyinka kale ee Puntland ayaa waxaa ku sugan qaxooti Yaminiyiin ah kuwaas oo soo qaxay markii dagaalada ay ka bilaawdeen dalkaas.

 

Dalsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here