Kenyatta “Waan kala baxeynaa Ciidamadeena dalka Somalia oo Muddo ay joogeen”

0
702
Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya - RTS1BEZ4

Kenyatta “Waan kala baxeynaa Ciidamadeena dalka Somalia oo Muddo ay joogeen”

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, oo safar ku jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay inay dhawaan ciidamadooda kala baxayaan dalka Soomaaliya.

Inkastoo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee ciidamadooda kala baxayaan dalka Soomaaliya, ayuu hadana sheegay in waqtiga ugu dhow ay ka saari doonaan ciidamadooda deegaanada ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya, ayaa jooga deegaanada Jubbooyinka waxayna halkaasi ku ilaaliyaan danaha dowladda Kenya ka leedahay Somalia, gaar ahaan deegaanada Jubbaland, sida marar badan madaxda iyo siyaasiyiinta Kenya ay sheegeen.

Kulan dhex maray madaxweyne Kenyatta iyo Trump oo ka dhacay magaalada Washington,  ayay kaga hadleen arimo ay kamid yihiin ciidamada ka joogo dalka Soomaaliya.

“Waan ku raja weynahay ciidamadeena waan ka soo saari doonaa Soomaaliya, waliba waqtiga ugu dhaw ee suurtagalka ah, waxaanu ka wada shaqeyn doonaa dowladda federaalka sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, islamarkaana u hanan lahaayeen nabadgelyada dalkooda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo la hadlay VOA-da.

Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya marka hore ay kusoo celin doonaan deegaanada dhanka xuduuda, maadaama sida uu sheegay dhaqaalo badan uu kaga baxo ciidamada ku sugan meel ka baxsan xuduuda dalka Kenya.

“Ciidamada waanu ku soo celineynaa xuduudeena, sidaasi darteed waxaa naga yaraanaya qarash badan oo aanu ku bixino, annagu waxaan kala shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta, maxaa yeelay khatarta keliya Soomaaliya kuma koobna”. Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here