Karan Deol kadib Sunny Deol wuxuu soo caan bixin doonaa wiilkiisa yar Rajvir Deol

0
1296

Karan Deol kadib Sunny Deol wuxuu soo caan bixin doonaa wiilkiisa yar Rajvir Deol

Superstar Sunny Deol maal mahan saaxada Bollywood-ka isaga ayaa heesto wuxuuna toos ula fal galayaa shabakadaha, TV-yada iyo wargesyada xili uu filimkiisa Yamla Pagla Deewana Phir Se xayeysiin balaaran u sameenayo lana daawan doono Jimcadaan (31 Aug 2018).

Sunny Deol labadii sano ugu dambeesay waqtigiisa ugu badan wuxuu galiyay soo diyaarinta wiilkiisa Karan Deol oo haatan filimkiisa kowaad Pal Pal Dil Ke Paas shaqadiisa gabo gabo tahay lana daawan doono sanadka dambe bilooyinka ugu horeeyo.

Sunny Deol ayaa shabakada NDT TV u sheegay Karan Deol soo caan bixintiisa kaliya masuuliyad ka saarneyn sidoo kalena wiilkiisa yar Rajvir Deol uu filim u diyaariyay Bollywood-kana kusoo biirayo.

Sunny wuxuu yiri “Marka aan dhameeyo shaqada yar ee ka harsan filimka Pal Pal Dil Ke Paas ee Karan aan kusoo caan bixinaayo kadib waxaan bilaabi doonaa diyaarinta mashruuca aan Rajvir Deol kusoo caan bixinaayo”

“Labadii sano ugu dambeesay Karan ayaa waqtigeyga siiyay waxaan u xiisay filim jilista haatan labo ilaa sedex mashruuc waa weyn ayaan saxiixday marka aan dhameeyo aflaantaas ayaan Rajvir Deol balanqaadkiisa u fulin doonaa”

Karan Deol waa 27-jir wuxuuna dhashay 27 Nov 1990 waana curudka Sunny Deol halka Rajvir Deol uu yahay yaraanka Sunny da’diisa rasmiga ah inta badan xog sax ah lagama haayo balse 20-jir inuu yahay ayaa meelaha qaar ku qoran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here