Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jig-jiga iyo Mustafa Cumar oo la filayo inuu gaaro

0
949

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jig-jiga iyo Mustafa Cumar oo la filayo inuu gaaro

Ammaanka magaalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xarunta madaxtooyadda ku sugan ciidamada Meletariga, iyadoo horey ay u joogeen ciidamada Liyuu Police.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka maamulka Soomaalida ahna ku simaha madaxweynaha, Mustafa Cumar la filayo inuu gaaro magaalada, isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in baarlamaanka maamulka Soomaalida Ethiopia, ay yeelan doonaan kulan deg deg ah oo arrimo badan diiradda lagu saarayo.

Ku simaha madaxweynaha DDSI Mustafa Cumar, ayaa horey magaalada Addis Ababa kaga sheegay in la badalay Calankii iyo magacii maamulkaasi, waxaana la filayaa in baarlamaanka ay arrimahaasi diiradda ku saaraan kulankooda maanta ah.

Xaaladda magaalada ayaa aad u wanaagsan, waxaana dadka deegaanka ay dib u heleen adeega Internet-ka oo horey looga xanibay.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo Soomaali badan kula hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Saaxiibadii la shaqeeyay, taasi oo si weyn looga hadal hayo magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here