Daahrog Cusub..Sida Noocyada Dhiigga A iyo B loogu Bedeli Karo O!

0
966

Daahrog Cusub..Sida Noocyada Dhiigga A iyo B loogu Bedeli Karo O!

Saynisyahnno ka tirsan Jaamacadda Columbia ayaa daahrogay bakteeriya suuragal ka dhigeysa in noocyada dhiigga B, A loo bedeli karo (O) oo si aad ah loo raadiyo marka ay xaaladaha degdegga ah iyo shilalku ay dhacaan.

Dadka nooca dhiiggoodu yahay (-0), ayaa ah kuwa loo aqoonsan yahay iney yihiin “tabacayaal caalami ah”, arrintaas oo ka dhigan in nooc kasta oo dhiigga ah ay u shubi karaan.

Gudaha Mareykanka waxaa ku nool 6.6% dadka nooca dhiiggoodu yahay -O, sidaa darteed bankiyada dhiigga aad ayuu noocaasi ugu yar yahay.

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Columbia ee dalka Canada ayaa sheegay iney daahrogeen enzyme ku jira xiidmaha oo noocyada kale ee dhiigga loogu bedeli karo nooca (-O), arrintaas oo soo afmeeraysa mushkiladaha dhiig yarida ah ee qabsatay isbitaallada.

Waxaan ognahay in nooyada dhiigga ee aasaasiga ah ay kala yihiin 4 nooc, A, B, O, AB, waxaa lagu kala saaraan heerka sonkorta ee magaca antigens, kaas oo dhaliya habdhiska difaaca jirka ee antibodies-ka ah.

Group kasta waxaa jira brotin loo yaqaanno Rh, oo marna positive ah marna negative, kaas oo dhaliya in noocyada dhiiggu ay noqdaan 8, O waxey ka dhigtaa -O ee loo yaqaanno deeqbixiyaha caalamiga ah, maadama uu ka barax la’yahay antigens A iyo B.

Dr Stephen Weiser oo ka tirsan jaamacadda Columbia University, kulliyadda chemistry-ga ayaa sheegay in khubaradu ay isku dayayaan iney helaan waddo ay nooca dhiigga ku bedbedeli karaan iyagoo adeegsanaya enzymes.

Saynisyahannada ayaa natiijada kama dabeysta ah u gudbiyay shirkii ugu dambeeyay kulan ka dhacay badhig sanadeedka Qaran ee bulshada Chemstry-ga Mareykanka ee Boston, Massachusetts, Talaadadii August 21, 2018.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here