“Maraykanku Wuxuu U Baahan Yahay Inuu Aqoonsado Somaliland Ka Hor Inta Aanu Ruushku Ictiraafin” Michael Rubin

0
784

“Maraykanku Wuxuu U Baahan Yahay Inuu Aqoonsado Somaliland Ka Hor Inta Aanu Ruushku Ictiraafin” Michael Rubin

Michael Rubin oo ah macalin sare   iyo sarkaal hore uga tirsanaan jiray  Wasaaradda Gashaan-dhigga Maraykanka, ayaa dawladda Maraykanka u soo jeediyey inay aqoonsato Somaliland.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu  Michael Rubin    shalay ku daabacay Wargeyska Washigton Examiner, oo ka soo baxa Maraykanka, waxaanu ciwaan uga dhigay  : “Maraykanku wuxuu u baahan yahay inuu aqoonsado Somaliland ka hor inta aanu Ruushku ictiraafin.”

Michael Rubin wuxuu sheegay in inta badan dadka Maraykanku ay ka fikiraan  Somalia, iyagoo sawiranaya  in    diyaaradii Black Hawk Down, Budhcad baddeeda, carruur macaluulaysa iyo qaska ka taagan Somalia. Waxaanu tilmaamay in  148 Milyan oo qof oo Maraykan ahi oo ku dhow  kala badh  dadweynaha dalkaasi ay dhasheen intii ka dambaysay Burburkii Somalia, balse duruufahaas  tabani aanay  ka jirin Somaliland oo  rubuc qarni ku naaloonaysay madax-bannaani  oo muddo dheer la iska indho tirayey ay noqon karto meel  muhiimad leh oo ay ku hirdamaan Maraykanka iyo Ruushku.

Waxa kaloo warbixintaas lagu sheegay in Somaliland ay 27kii sannadood ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay ay samaysatay dawlad taabogal ah, iyadoo   aan  adduunka ka helin wax taageero ah.

Michael Rubin wuxuu iftiimiyey  in arrimo badan Somaliland ay ka shabahdo  Taiwan oo muddo dheer uu sheeganayey  Shiinuhu.  Waxa kaloo uu ku dooday  in  Somaliland sida Taiwan  ay horumarisay nidaamkeeda siyaasadeed oo ka duwan  Somalia oo ay jaar yihiin. Iyadoo Somaliland ay ka jirto nabadgelyo taam ah islamarkaana ay leedahay lacag u gaar ah.

Mr. Micheal waxa uu xusay in Somaliland ay tahay meel ka caagan budcad baddeeda oo ka jirta maamulgoboleedka Puntland iyo kooxaha xagjirka ah, waxaanu caddeeyey in Somalia dhexdeeda ganacsatada iyo hawl-wadeennada samafalku ay la nool yihiin qaraxyo, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay dadka reer galbeedku ku haystaan nabadgelyo.

Sidoo kale, Micheal Rubin wuxuu is weydiiyey maadaama oo ay Somaliland samaysay horusocod sababta Maraykanku u xaaleyn waayey? Waxaanu tusaale u soo qaatay in Eritrea ay ka go’day Itoobiya, isla markaana  South Sudan  ay  xornimadeedii ka qaadatay Suudaan.

Waxa uu  ku tirtirsiyey Maraykanka inay lama huraan tahay  inay ictiraafaan Somaliland ka hor inta aanu Ruushku  aqoonsi ugu beddelin Somaliland saldhig millatari oo uu ka furto magaalada Saylac oo ka tirsan  Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here