DAAWO : Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
1052

DAAWO : Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa yeelatay madaxweyne cusub arbacadii kadib is-casilaaddii Cabdi Iley August 6, 2018.

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa Mustafe Muxumed Cumar si ku meel gaadh ah ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha DDSI, isagoo xilkaas sii heynaya illaa doorasho dambe.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Taarikh Nololeedka Madaxweyne Mustaf Muxumed:

Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur 1973-dii, waa dhaqaale-yahan shahaadada Masterka ka heysta cilmiga Science, waxaa uu leeyahay khibrad ilaa 23 sanno ah.

Mustaf, waxaa uu la soo shaqeeyay hey’ado badan oo ay ka mid yihiin: Qaramada Midoobey, Save the Children iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf waxaa kale oo khibrad u leeyahay arrimaha banii’aadnimada, cuntada iyo qorsheynta.

Hey’adda Qaramada Midoobey waxaa uu kala shaqeeyey arrimaha banii’aadanimada, isaga oo ka shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Zimbabwe, Kenya, Soomaaliya, Imaaraadka, hadda marka la magacaabayey waxaa uu ahaa la-taliyaha xafiiska isku-duwaha Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadnimada.

Cabdi Iley, oo ahaa nin ay Tigreega u adeegtaan ayaa muddo ka talinayey Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo sameystay ciidamo u daacad ah, oo dhibaato isugu jirta dil, dhac, kufsi, barakicin xoog ah iyo bah-dilaad ku hayey bulshada Soomaalida ee ku nool halkaasi.

https://www.youtube.com/watch?v=_k_25rYzAVc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here