Labo wiil oo walaalo ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

0
770

Labo wiil oo walaalo ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay labo wiil oo walaalo ahaa, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xaafada Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye, iyagoo ku wajahnaa gurigooda.

Labada Wiil ayaa lagu magacaabayay Saneey iyo Xuseen Faarax, waxaana mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka askariga ahaa uu ku jiray fasaxa maalmaha Ciida, isagoo qoyskiisa la qaadanayay farxada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray halka dilka ka dhacay, waxaana goobta ka soo qaadeen meydadka labada wiil oo la geeyay xarunta dambi baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here