16 Kalkaalisooyin Caafimaad ah oo Isbitaal Ka Wada Tirsan oo Mar Qura Uur Wada Qaaday!

0
845

16 Kalkaalisooyin Caafimaad ah oo Isbitaal Ka Wada Tirsan oo Mar Qura Uur Wada Qaaday!

Jaraa’idka maxalliga ah ee ka soo baxa gudaha dalka Mareykanka ayaa qoray in 16 kalkaaliso caafimaad oo ka tirsan qeybta daryeel bukaanka aadka u liita oo ka tirsan xarunta Banner Desert Medical ee magaalada Mesa ee gobolka Arizona ayaa mar qura wada qaaday uur, iyadoo la filayo iney sidoo kale xilliyo isku dhowdhow ay fasax galaan!.

Sida uu sheegay TV CBS News, arrintan ayaa si lama filaan ah lagu ogaaday, kadib markii kalkaalisooyinka uurka kaleh ay barta Facebook ka sameysteen Group gaar ah, kadibna la arkay in tirada ay gaartay 16 isku hal isbitaal ka shaqeeya.

Ashley Atkinsm oo ka mid ah kalkaalisooyinka ayaa tiri: “Si lama filaan ah ayaan iskugu soo uruurnay.”, iyadoo markaa tilmaamaeysan inaaney is ogleyn laakiin markii ay goobta ay iskugu yimaaddeen un ay is arkeen.

Dhowr telefishin oo dhacdadani ay si gaar ah u soo jiidatay ayaa sheegay iney filayaan in fasaxa dhalmadoodu ay isku dhowaato iyadoo la filayo iney dhalaan October, December iyo January.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here