Iskuullaadka Mareykanka oo Kaashanaya “Artificial intelligence” Si loo Xakameeyo Waxyaabaha Ay Ardaydu Ku Qorayaan Computerka

0
576

Iskuullaadka Mareykanka oo Kaashanaya “Artificial intelligence” Si loo Xakameeyo Waxyaabaha Ay Ardaydu Ku Qorayaan Computerka

Warbixin uu faafiyay website “Quartz” ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa lagu sheegay in iskuullaadka Mareykanka ay qorsheynayaan iney kaashadaan Artificial intelligence, si loo xakameeyo computerrada-ka ardayda, iyadoo lagu dhaqmayo sharciga CIPA ee caruurta looga ilaalinayo khataraha Internet-ka iyadoo iskuulka kastaa uu xaq u leeyahay inuu maalgelin weydiisto Federaalka si uu u dhaqangelisyo sidaasadda xakameynta ammaanka internet-ka.

Maadama ay soo bateen qalabka Tablets ka ah iyo laptop-yada oo ay ardaydu si aad ah u wataan, ayaa iskuullaadka waxaa ku waajib ah iney ku dhajiyaan iskuulaadka qalab ay khataraha teknoolojiyada kaga ilaalinayaan caruurta. qaar ka mid ah iskuullaadka ayaa durbaba u dhaqaaqay dhanka shirkadaha programming-ka sida; “GoGuardianScurly iyo Gaggle.”, si ay u sahlanaato in ay farriimo gaaraan maamulayaasha iskuullada, si xiriirrada shaki geliyana ay uga falceliyaa.

Xilligan aan ku jino ayaa iskuullaadka Mareykanka waxaa ku badan weerarro hubaysan iyo arday tiro badan oo iskood isku dila oo nafta iska jara, nidaamka smarts-ka ah ayaa la filayaa inuu kaalin ka qaato ka hortagga dambiyada inta aaney dhicin ka hore, laakiin waxaa isla markiiba furantay dood ka dhan ah qalabka cusub oo dad badani ay dhaliillo u soo jeedinayaan.

Gerard Kelly oo maamula Common sense Media oo ah mu’asasad aan faa’iido doon ahayn oo dhiirrigelisa in waxbarasahda ammaanka ah ee internet-ka ayaa yiri: “Dad badani waxey dadaal niyad wanaag leh ku bixinayaan iney ardaydaya waxyaabaha ay internet-ka ka daalacanayaan ay faafreebaan, fasalkii oo dhan isha ayaa lagu hayaa, waxaa inagu fillaan waayay qalabka baaritaanka iyo kaamirooyinkii ilaalada, laakiin hadda waxaa la dabagalayaa ahdaaftii waxbarashada iyo gmailka ardayda.”

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here