Dawladda Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Maxkamad Soo Taagto Madaxweynihii Hore ee Killilka 5-aad

0
553

Dawladda Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Maxkamad Soo Taagto Madaxweynihii Hore ee Killilka 5-aad

Dawladda Itoobiya waa in ay samaysaa baadhitaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, ayaa lagu yidhi warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado.

Waxay magacooda si gaar ah u xustay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale (Cabdiraxmaan Labo Go’le) iyadii dalbatay si khaas ah loo baaro doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.

Lixdii bishan Agoosto ayay ahayd markii rabshado iyo boob uu ka dhacay magalaada Jigjiga, taas oo ay ku lug lahaayeen ciidammada Liyuu Booliiska iyo dhallinyaro taageersan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ka dibna waxaa is casilay Madaxweynihii. Sida warbixinta ha’adda lagu sheegay. Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.

Ra’iisulwasaaraha cusubna waxay ugu baaqday in isbadallada uu wado uu ku daro in caddaaladu ay qabato kuwo awoodda badan ee gaystay dambiyada waawayn ee aadanaha ka dhanka ah.

Ma aha markii koobaad ee hay’addaha xuquuqda aadanuhu ay soo jeediyaan in Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaceen tacadiyo, dhawaan ayayna ahayd markii hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ku baaqday in ciidammada Liyuu booliiska la kala diro taariikhda madaw ee xuquuqda aadanaha awgeed.

Source: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here