Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo mar kale ku kulmay Ankara

0
581

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo mar kale ku kulmay Ankara

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku kulmay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Qoraal uu barta Facebook soo dhigay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kula kulmay magaalada Ankara, ayna ka wada hadleen caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya gaartay.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xaalada gobolka geeska iyo is bedelada ka dhacaya, gaar ahaan nidaamka siyaasadda juquraafiga ee gobolka oo xilligan Soomaaliya saameyn ku yeelaneyso.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaanka 276aad ee Golaha Shacabka ayaa dib u dhac ku yimid safar uu todobaadkii hore ku imaan lahaa magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in bisha soo socoto uu yimaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here