Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Oo Heshiis Kala Sixiixday

0
878

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay Maanta dhiggiisa Wasiirka ganacsiga Dalka Kenya Mr. Peter G. Munya.Wada hadallo dheer ka dib ayaa waxay Labada Wasiir ku heshiiyeen, in la hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, In la dheelli-tiro ganacsiga Labada Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Waddamada ku mideysan Ururrada EAC iyo COMESA, in Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro Kalluuniyo in Labada Wasaaradood ay iska kaashadaandhinaca Farsamada iyo Shuruucda.Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sanadkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan lala galay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha Dalka oo muddo hooseeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here