Al-shabaab Oo Rasaaseyey Gaari Shacab Saarnaayeen Mandheera Kenya

0
634

Ku dhowaad 8 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay dableey loo malaynayo in ay Ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku fureen Gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandheera Kenya iyo Ceel waaq Soomaaliya.Gaarigan oo uu noociisu ahaa, Toyota Land Cruiser ayaa loo galay halka lagu Magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya Saddex ka mid ah Dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhowr Qof oo kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka Ceel-waaq.Dadka saarnaa Gaariga ayaan illaa iyo haatanla ogeyn tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen Rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.Waxaa jira dhaliilo ay Dadka degaanka usoo jeedidanyaan masuuliyiinta Dowladda Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay lasameeyeen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here