Gudoonka Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa banaanee Doorashooyinka

0
670

Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Amb Mohamed Mursal Sheikh Iyo Ku-Xigeenkiisa 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Maanta Kala Qeyb Galay Gudiga Joogtada ah Ee Barlamaanka soomaaliya Kulan Ay La Qaateen Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka ,Kulankan Ayaa Ahaa mid Warbixin ku saabsan Howlaha Doorashooyinka Looga Dhageysanayay Xubnaha Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka ,Gudoomiyaha Gudiga Xaliima Ibrahim Ismaaciil Xaliimo ( Yareey ) Ayaa Ku DheeraatayKa Hadalka Doorashooyinka La Filayo In Ay Dalka Ka Dhacaan 2020-ka” Runtii Anagoo Ah Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Waxaan Sameynay Shaqooyin Badan Kuwaasi Oo Noo SuurtaGalisay Inaan Wax Badan Ka Baranay Sida Dorasho Qof IyoCod Ah aan U Qabano Mustaqbalka Dhaw ,’ waxaan sidoo Kale aan aaminsanahay In aan qaban karno Doorasho Xor ah oo hal qof iyo hal cod ah haddii dhammaan la xaliyo Caqabadaha hadda hor yaala gudiga Taasi oo ay ugu Horeyso Dhinaca Maaliyadda iyo Kharashaada Miisaanayad Ku Filan gudiga ,Dhanka kale Gudoomiye Xaliimo Yareey Ayaa Ku Dheeraatay Ka Hadalka Tijaabooyin Ay Sameeyeen OoAy Ku Ogaadeen In shacabka Soomaaliyeed Ay Codeyn Karaan ,” Bilowga 2019-ka ilaa bartmaha 2021 Ayaan Ka Shaqeynaynaa In aan Dadka Ku Barno Habka Ay Codeynta Doorashadu Noqon Doonto , sidoo kale waxaa jira Caqabadooyin aan is leenahaySaameyn Weyn Ayey Ku Yeelan Doonaan Waxaana UguWeyn Arimaha Amaanka Goobaha Doorashada ,’ Sidoo Kale Waxay Caqabad Naga Haysataa Xarunta Aan daganahay oo Ku taala Madaxtooyada waxaan rajeynaynaa In dhulka Nala Siiyay aan ka shaqeyn doono sidaan u dhisan laheyn Ayey Hadalkeeda Ku Soo Gabagabeysay Gudoomiye Xaliimo ,Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Gaba gabada kulanka ka hadlay Ayaa Mahad Celin u jeediyay Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran ,” Gudiga aad Baan Ugu Mahad Celinayaa sida Warbixinta Tifaftiran aad Noogu Soo Gudbiseen waxaan Rajeynayaa in ay idin Hor Yaalaan Howlo Culus Oo Ubaahan In aad shacabkiina ugu Hiilisaan ,Waxaan Idinkugu Bogaadinayaa Inaad Ku Dadaashaan Sidii aad uga dhabeyn Laheydeen In Shacabka Ay Codkooda Dhiibtaan ,Sidoo Kale Waxaa Muhiim Ah in La dhameystiro Xisbiyadda Dhismahooda iyo Diiwaan Gelintooda Taasi Oo Ah Sida Kaliya ee Lagu Rumeysan Karo In Ay Dhaqan gasho Doorashooyinka aad Hadda Diyaarinaysaan Ayuu Yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here