Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka degay Jabuuti

0
608

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka degay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal, iyo arrinta xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay safarkii uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmaya dhiggiisa Jabuuti, iyagoo ka wada hadlaya arrinta gobolka Geeska Afrika iyo is bedelada u dambeeyay ee ka dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro sidii uu u dhex dhexaadin lahaa dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Jabuuti ayaa dhowaan walaac ka muujisay hadal Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here