Dadkii Ka Soo Qaxay Rabshadihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Ugu Laabanaya Deegaankoodii

0
796

Dadkii Ka Soo Qaxay Rabshadihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Ugu Laabanaya Deegaankoodii

-Dadkii qoxootiga ahaa ee ka soo baro-kacay dhawaan rabshadiihii ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa haatan badankoodu waxay dib ugu laabanayaan deeganaadoodii.

Dadkani ayaa dhinaca xuduudka ka soo galay magaalooyin badan oo Somaliland ah sida; Xariirad iyo Wajaale oo xuduudka u dhaxeeya Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti ku yaala.
Dadkani qoxootinga ah oo ku dhawaan lagu qiyaasay 3,000 oo qof ayaa haatan dib iskood ugu laabanaya deeganadii ay ka yimaadeen kadib markii qabowday xiisaddii halkaasi ka taagneyd.

Horaantii bishan ayay ahayd markii rabashado iyo qalalaase siyaasaddeed ka dhaceen killalka shannaad ee Soomaalida Itoobiya kuwaasi oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo sidoo kale burburka iyo baro-kaca dad badan, hase yeeshee dedaalo badan kadib oo xiisaddii halkaasi ka taagneyd lagu dejinaayo haatan waxa ay u muuqataa mid soo hagaagaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here