Koox hubeysan oo askari katirsan Ciidanka Booliska ku dishay Magaalada Muqdisho

0
579

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, rag hubeysan ayaa gudaha degmadaasi waxa ay duhurnimadii maanta ku toogteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.Askariga la dilay oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan, wuxuuna si gaar ah dilkiisa uga dhacay suuqa weyn ee degmadaasi.Raggii dilka geystay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa goobta isaga baxsaday kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.Ciidamada ayaa goobta ka qaaday meydka askariga, intaasi kadib ayay bilaabeen hawlgal amni xaqiijin ah, lama soo sheegin ilaa hadda cid lagu soo qabtay hawlgalkaasi.Dilalka loo geysanayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa kordhay, inta badan dilalkaasi waxaa Muqdisho iyo hareeraheeda ka geysta Kooxda Daacish iyo Mintidiinta Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here