Dowlada Hindiya oo shacabkeeda danyarta u balan qaaday in ay heli doonaan adeeg caafimaad

0
626

Ra,isul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay hirgalin doonto qorshe caafimaad oo ah kan ugu weyn caalamka si ay uga faa,ideystaan muwaadiniinta dalkaas.Mr Modi ayaa waxaa uu intaa ku daray in qorshahan cusub ay ka faa,ideysan doonaan nus billion ruux oo u dhashay hindiya.Isaga oo ka hadlay munaasabada maalinta xornimada hindiya ayaa waxaa uu sheegay in qorshahan ay dowladiisa ay uga gol leedahay sidii caruurta iyo haweenka aan awoodin in ay tagaan xarumaha caafimaadka ay kaga faa,ideystaan.Inkastoo mashruucaan la filayo in dowlada ay hirgaliso afarta sano ee soo aadan ayaa hadane waxaa jira walaac ku aadan in balan qaadyadan aysan dabooli doonin baahida caafimaad oo ay qabaan shacab weynaha hindiya.Dalalka Mareykan ruusha iyo shiinaha ayaa ah sadexda dal ee ugu sareya caalamka ee muwaadiniintooda u fuliya daaweyn caafimaad oo bilaash ah balse dowlada hindiya ayaa waxay balan qaaday in ay noqon doonto dowlada ka sare marta dalalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here